Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku baaqay in loo Midoobo la dagalaanka Al-Shabaab

840

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta  Maxamed Xuseen Rooble oo Cambaareyey Qaraxii geystay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee xalay ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisadu ku qaadeen saldhigga degmada Waaberi.Waxaan qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas, Inta dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacyadana Allaha bogsiiyo ayuu yiri” RW Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxaa uu sheegay in Falkani uu tusaale cad u yahay sida aysan xurmo ugu hayn dhiigga Shacabka Al-Shabaab xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

“ Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada noo diiddan in dadkeennu ay nabad ku naalloodaan ayaa yiri” Ra’iisul Wasaare Rooble.