Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey guusha taariikhiga ah,

189
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur-Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo ciidamada qalabka sida ugu hambalyeeyey guusha taariikhiga ee qaadista cunaqabateynta hubka.
Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa u qornaa sidan:-
“Waxaan ugu Hambaliyeynayaa Dhammaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidaamada Qalabka Sida ee naftooda iyo Maalkooda uhuray Nabadda iyo Xasilloonida Dalka
Go’aanka cunaqabataynta hubka ee Caawa laga qaaday Dalkeena Soomaaliya keliya ma-xoojinayo Dadaalka Dawladda ee Ciribtirka Cadowga Umadda Soomaaliyeed Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu cunaqabateyn caalami ah saarayaa Khawaarijta Al Shabaab ee nabadda u diiday Dalka Soomaaliya, taas oo ah guul kale oo Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay usoo Hooyatay,
<span;>Waxaan Umahadcelinayaa Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ugu horeeyo Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud iyo Cid Waliba oo Gacan ka gaysatay sidii Dowladda Soomaaliya looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Hubka oo saarna in ka badan 30 Sano”.