Degmada Afmadoow oo wajahaysa Daadad xad dhaaf iyo Fatahada laag dheera,

518
Degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada hoose oo ay maalmihii u dambeeyay Roobab Mahiigaan ah ka da’ayeen ayaa wajahaysa Daadad xad dhaaf ah oo isu socodka dadka iyo Gaadiidka xayiray,
Lag dheeraa oo degmada Afmadow dhexmarta ayaa biyo xooggan keentay kuwaas oo ay dadka xog ogaalka ah sheegayaan in ay hordhac yihiin.
Wararka ay heleyso warbahinta jubbaland ayaa sheegaya in ay Lagta biyo xooggan oo horleh soo waddo kuwaas oo la qiyaasayo inay aad uga tanbadanyihiin kuwa hadda magaalada ku fatahay,
Shacabka degmada ayaa durba bilaabay in ay u barakacaan banaanka magaalada, iyadoo ay dadka qaar u qaxayaan tuulada Qabaa oo xagga Waqooyi kaga beegan degmada Afmadow, iyo Gololka Diidimays oo galbeedka kaga aadan
Degmada Afmadoow ayaa kamid ah degmooyiinka Jubbaland ee ay sida wayn u saameeyeen Daadadka ka dhashay Roobka Dayrta,