Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan looga hadlayay doorka Wasaaradda Beeraha ay kuleedahay samata bixinta dadka ay saameeyeen Fatahaadaha iyo daadadka, gaar ahaana dadka Beeralayda ah oo sanadkan wajahaya xaalad aad u adag kadib markii ay Beeruhu galeen daadad xooggan,
Kulankan oo uu shir gudoominayay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland mudane Ugaas Cali Sokor waxaa ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Jubbaland Maxamed Xuseen Maxamed saraakiil katirsan Wasaaradda Beeraha iyo khuburo kale,
intii uu kulankan socday waxaa si qoto dheer looga hadlay dhibaatada gaartay dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka gaar ahaan dadka Beeralayda ah, heerka ay gaarsiisantahay caqabadda iyo xaaladaha adag ee ay wajahayaan Beeralayda,