
Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Maxamed Cabdullaahi Siciid (Maxamed Khadar) oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland kaas oo horay u dilay AUN Maxamed Deeq Nuune Saalax taariikhdu markay ahayd lixdii Bishii Tobnaad ee sanadkii 2022-kii.
Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa dhagaystay dhowr mar oo kala duwan garmaqalka kiiskan maanta xukunkiisa ay ku dhawaaqday.
G/Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed (Qam-dariiran) Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa ku dhawaaqay xukunka.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







