Ciidanka ku sugan Camaara oo dhaqaaqay iyo Wararkii ugu dambeeyay

337

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ay kasii dhaqaaqeen gudaha magaalada Camaara, ayaga oo u jiheystay deegaano dhaca koonfurta gobolkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

 

 

Ujeedka ciidanka huwanta ayaa ah inay Al-Shabaab ka xoreeyaan dhammaan deegaanada hoostaga Camaara, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay weerari doonaan saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin halkaasi, si ay uga saaraan guud ahaan dhulkaasi.

 

 

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in howlgalkooda uu ku wajahan yahay dhulka howdka ah ee ku yaalla halkaas, si looga hortego weeraro ay sheegeen inay kasoo abaabulaan Al-Shabaab.

 

 

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa koonfurta  Mudug, sida ay innoo sheegeen ilo deeganaka.

 

 

Waxaa sidoo kale howlgalladan qayb ka ah diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo iyagu hawada ka taageera ciidamada dhulka ee howlgallada ka wada Galmudug.

Magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyn ayaa waxaa todobaadyo kahor la wareegay ciidamada dowladda iyo shacabka, kadib markii ay isaga baxeen xubnaha Al-Shabaab.

Tan iyo markii uu billowday wajiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab waxay dowladda Soomaaliya qabsatay dhul ballaaran oo ku yaalla deegaanada Galmudug iyo HirShabelle.