Ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo kuwa xooga dalka oo saldhigyo khawaarijtu leedahay burburiyay

477
Ciidamada kale duwan ee Jubaland iyo ciidanka kumaandooska XDS ee Danab Ururkiisa 5-aad ayaa hawlgal wada jir ah oo balaadhan ka fuliyey deegaanada dhaca galbeedka Kismaayo.
Ciidamada waxa ay howlgalka qorsheysani ka fuliyeen deegaanada Barjala, Dharkayn urur, Sariiraha, Orgiyow, Yaaq caleen iyo Aboodin kuwaa oo dhamaantood ay kooxda Argagixisada ah ka sameeysteen talisyo ay u diyaarsadeen godod dhulka hoostiisa ah waxaana todobaadyadii lasoo dhaafay ay ku aruuriyeen gododka dhulka hoostiisa ay ka qoteen Kooxo katirsan Khawaarijta iyo Qaraxyo ay doonayeen in ay ku weeraraan xerooyinka Ciidamada kuna dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee isticmaalaya wadooyinka halbowlaha u ah deegaanada oo ah kala bare Degmada Afmadow iyo Degmada Kismaayo.
Deegaanka Barjala waa markii labaad oo ciidamada ay ku xasuuqayaan Kooxaha Khawaarijta ah ee halkaa isku aruursanayey, iyadoo gododka idin muuqda lagu xasuuqay horjoogayaal waaweyn iyo ajaaniib ka barbar dagaalanta Khawaarijta.
Firxadka Khawaariijta ee ka cararaya Ciidamada ayey xogaha aynu heleyno sheegayaan in ay gaareen deegaanada ka ag dhow Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhaxe.