-Dadka Shacabka ah ku dhaqan tuulada Ceeldheere ee gobolka Shabellaha dhexe ayaa ka hadlay dhibatooyinkii ay ku qaben Khawaarijta intii ay gacanta ku hayeen tuuladaas.
Shacabka tuuladaasi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhibaato xooggan ay ku qabeen khawaarijta,islamarkaana ay necaaw xornimo ay daremeen markii ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka ay gacanta ku dhigeen tuulada Ceeldheere ee gobolka Shabellaha dhexe,waxa ay shegeen dhac,dil iyo Boob ay ku hayeen xoolahooda khawaarijta,balsa ay dhamaatay wayahoodii dhibateenta dadka shacabka ah.
“Geedihii xitaa wan ka jaran weynay oo dhufeys ayay ka dhigteen,xoolahana xoog ayay nooga qaadanayeen dhibaato badan ayaan ku qabnay”sidaa waxaa yiri mid kamid ah Dadka shacabka ah ee tuulada Ceeldheere
Dadka tuulada Ceeldheere ayaa sidoo kale sheegay in diyaar u yihiin in ay la shaqeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago dhagarha khawaarijtu u maleegaan shacabka Soomaaliyeed,
Tuulada Ceeldheere ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa kamid ah goobaha ay geesiyaasha xoogga dalka ka xoreyeen khawaarijta,iyadoo shacabka halkaa la gaarsiiyay adegyadii Bulshada u baahneeyd.