Hay’adda Maareeynta Muusiibooyinka Qaranka oo la wareegtay Agab Caafimaad

286

Agaasimaha waaxda caafimaadka ee Hay’adda Maareeynta Muusiibooyinka Qaranka ee SODMA Mudane Dr Abdullahi Muse Ahmed ayaa maanta ka guddoomay qaar kamid Hay’adaha deeqaha bixiya, deeq agab caafimaad oo ka kooban dawooyin iyo qalab caafimaad taasoo loogu talagalay in la gaarsiiyo adeegyadaa caafimaad degaannadii dhawaan laga xoreeyay khawaarijta.

Deeqdan ayaan la filayaa dhawaan in ay gaarto degaanadaas, waxayna talaabadan imaaneysaa xilli lagu guda jiro wajigii labaad ee dagaalka khawaarijta oo si dardar leh uga socdo qaybo kamid ah goballada dalka hormuudna uu ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Hay”adda Maareeynta Muusiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa dhankeeda wadda da’daallo dawo iyo Raashiin  lagu gaarsiinayo degaannada laga xoreyay khawaarijta,oo dhibatooyin xaga nolosha ah ay ka jiraan.