Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Ibrahim Sheekh Muxidiin ayaa maanta waxa uu booqday Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle.
Guddoomiye Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Milateriga Dalka ayaa yeeshay kulan gaar ah waxaana ay kawada hadleen In SoDMA iyo ciidanka Milateriga yeshaan wada shaqeen dhanka cafimaadka iyo Gargaarka ah ,in deeganadii khawaarijta laga saaray iyo kuwa maalmaha soo socda laga xoreeynayo ay gaarsiiso gargaar iyadoo ciidamada xoogga dalka amniga gaadiidka wada mucaawinoyinkaas sugayaan iyo in SoDMA Ka caawiso Taliska Ciidanka Xoogga arimaha Sadaasha deeganada laga saarayo Argagixisada Al-shabaab.