Ciidanka xoogga dalka oo gacanta kusoo dhigay xubno ka tirsan khawaarijta

63

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen gobolka Shabeellada hoose waxay ku soo qabteen xubno ka tirsan khawaarijta, iyagoo soo badbaadiyay gaadiid ay madax furasho u haysteen.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS Sheekh Abuukar Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Doonka ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ay Ciidanku qaflad laba jiho ah kaga yimaaddeen khawaarijta xilli ay ku guda jireen dhaca gaadiidka isticmaala waddada xiriirisa Afgooye iyo Wanlaweyn, gaar ahaan halka loo yaqaan Doonka.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca XFS ayaa intaa raaciyay in ay khawaarijta kasoo badbaadiyeen 20 gaari oo dad shacab ah u rarnaa, kuwaas oo ay u haysteen in ay bixiyaan lacag aysan awoodin.

“Howlgalka barakeysan waxaa sidaas oo kale lagu qabtay dhagar qabayaal, kuwaas oo ay Ciidanka Xoogga dalka ku raad joogeen”

Khawaarijta ayuu sheegay in ay qaarkood ku baxsadeen Gaadiidka Homy-da loo yaqaan kuwaas oo ay Ciidanka sooma jeestayaashu ku raad joogaan.