Maxay kawada hadleen wasiirada Qorsheynta iyo waxbarashada ee somaaliya

245
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo maanta booqasho ku tagay xarunta Wasaaradda.
Kulanka labada Wasiir ayaa waxa uu ku saabsanaa Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP), gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinaca waxbarashada, waxaana labada mas’uul hoosta ka wada xariiqeen sidii loo mideyn lahaa dadaallada iyadoo loo marayo Hannaanka cusub ee deeqaha (Aid Architecture).