Madaxweynaha Dowladda Jubbaland oo kulan laa qaatay masuuliyiin ka socday Bangiga aduunka

468
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Bangiga aduunka oo uu hogaaminayay ku xigeenka madaxa Bangiga aduunka ee Soomaaliya ahna maamulaha mashaariicda Mattias Mayr,
 
Kulanka ayaa lagaga hadlay dardar galinta mashaariicda kala duwan ee uu maalgaliyo Bangiga aduunka iyo bilowga Kuwa qorshayntoodu ay hada socoto ay kamid yihiin dhismaha waddooyinka, kaabayaasha shaqaalaha iyo hormarinta adeegyada kale ee bulshada.