Jubbaland oo ka qayb gashay Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose

0
614
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Ogle ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga qayb galay Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose(Wadajir) iyada oo uu shir guddoominayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi.
Kullanka waxaa goobjoog ka ah Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠, 𝐇𝐢𝐫𝐬𝐡𝐚𝐛𝐞𝐥𝐥𝐞, 𝐊𝐨𝐨𝐧𝐟𝐮𝐫 𝐆𝐚𝐥𝐛𝐞𝐞𝐝, J𝐮𝐛𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐞𝐞𝐥𝐠𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐒𝐒𝐂 𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨 𝐢𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫.