Dowladda Imaaraadka Carabta oo deeq Gargaar ah Maanta soo gaarsiiyay Muqdisho

732

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay dowladda isutagga Imaaraadka Carabta kala wareegtay 26-Kunteenar oo ay ku jiraan noocyada kala duwan ee raashinka.

Deeqdaan oo loogu talo galay dadka ay saameeysay Abaarta kajirta meelo kamid ah Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah ula wareegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Axmed Abuukar Axmed.

Sidoo kale Goobta wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa Xubno ka socday Safaaradda Dowladda Imaaraadka Carabta ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo sheegay inay sii wadi doonaan gurmadka ay soo gaarsiinayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Axmed Abuukar Axmed ayaa dhankiisa uga mahad celiyay dowladda Imaaraadka Carabta deeqdaan gargaarka ah oo ay soo gaarsiiyeen, isaga oo sheegay in dadka u baahan ay gaarsiin doonaan.

Deeqdaan Maanta katimid dowladda Imaaraadka Carabta oo ah middii Shanaad ayaa bilaabatay markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu raali-gelin ka siiyay Imaaraadka lacag horay dowladda Soomaaliya ay uga xayirtay uuna u sheegay in loo celinayo.