Kullan looga hadlayay dardar galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar oo caasimada lagu qabtay

465
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar kaas oo ay ku wehliyeen Guddoomiye ku-Xigeenka Amniga, siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye iyo masuuliyiin kale.
Kulankan oo uu goob joog ka ahaa taliyaha cusub ee Ciidanka Birimadka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah, iyada oo lagu amaanay sida dhiiranaanta leh oo ay u fashiliyeen weerarkii dhicisoobay oo ay Argagixisada 22-January ee sanadkaan kusoo qaadday xarunta Gobolka Banaadir.