Xagee marayaa Xalinta khilaaf ka taagan Xadka Hiiraan& Shabeelada Dhexe

407

Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Dawlad Goboleedka Hirshabelle C/raxmaan Daahir Guure  Karoore  oo ay wehlinayaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Hirshabelle C.raxiin Ciise Cadoow , Wasiirka dib u heshiisiinta Maamulka Hirshabelle C/Laahi Maxamed Cumar’  Wasiirka Gadiidka & Duuliska Muuse Salaad iyo xubno kale  oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Hirshabelle ayaa gaaray Ceel Baraf & Degaano kale .

Ujeedada Socdaalkooda Wafdigaan ayaa ah sidii ay u dhexdhexaadin lahayeeh Khilaaf u dhexeeya beelo wada dega Xuduuda Gobolada Hiiraan & Shabelaha dhexe oo muran ka taagan yahay .

Wafdiga ayaamarkii ay gaareen halkaas  kulan la qaatay Waxagaradka degaanada ay gaareen waxaana ay sidoo kale kulamo la qadan doonaan Waxgaradka kale.

Degaanka Xalfooleey ee hoostaga Degmada Ceel Baraf gobolka shabeelada Dhexe ayaa waxaa jiraa mueun u dhexeya labao beeleed eek ala dega goboladaa Hiiraan iyo shabeelada Dhexe waxaana waxgarad iyo Odayaal ka soo jeeda gobolka shabeelada Dhexe ay ku Eedeeyeen Mid ka mid ah Beelaha dega Gobolka Hiiraan aya sheegayaan milkiyada Degaanka Xalfaooleey oo ka tirsan Degmadaa Ceelbaraf ee gobolka shabeeladda Dhexe.