Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo kullan la qaatay Taliyaha Ciidamada Kenya Gen Francis Omondi Ogolla

380

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Taliyaha Ciidamada Kenya Gen Francis Omondi Ogolla oo booqasho ku yimid Jubaland.
Kullanka ayaa lagaga hadlay arrimaha amniga gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoraynayo kooxaha argagixisada ah si gaar ahna howlgalka deegaanada Jubbaland oo ay ka qeybgalayaan Ciidamada Dowladaha dariska ah.

Taliye Gen Francis Omondi Ogolla ayaa Jubbaland u balan qaadey inay ku garab taagan yihiin howlgalka Argagixisada lagaga xoreynayo deegaanada ay Jubbaland ka joogaan ayna kasoo bixi doonaan doorkooda kaga aadan.