Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey tartan loo qabtay qaar kamida dhalinyarada xaafada Calanley.
Tartan ciyaareedkan kubbada cagta ah oo socday Muddo saddex beri ah ayaa waxaa loo qabtay afar kooxood oo ka socday xaafada calanley waxaana kasoo qayb galay gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada degmada Kismaayo, agaasimaha waaxda arimaha bulshada ee dagamada Kismyaayo, gudoomiyaha Sportiska degmada Kismaayo iyo qaar kamid ah gudoomiyeyaasha xaafadaha magaalada Kismaayo.
Ujeedka tartankan loo qabtay ayaa ahaa is dhaxgal bulsho iyo in dhalinyarada lagu dhiiri galiyo jimicsiga
si ay kaga baaq sadaan xagjirnimada iyo in ay shaqa la’aanta iyo camal la’aantu bado maan dooriye .