Haween barakac ah oo soo saaray agab-ka guryaha oo Kismayo ku qabtay bandhig.

635

Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada Jubbaland ayaa manta Kismaayo ku qabatay bandhig lagu soo bandhigaayey agab ay soo saareen haween barakac ah oo ku nool xeryaha Luglow ee duleedka magaalada Kismaayo.
Bandhigaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay 140 oo agab ah oo ka kooban lix shay oo kala ah Ashuunka biyaha lagu shubto, Tinaarka muufadda lagu dubo, Birjikadda cunnada lagu karsado, Dabqaad,Dhiisha caanaha lagu shubto iyo waliba agab-ka loo Isticmaallo ubaxa iyo qurxinta guryaha.

Haweenkaan oo tiro ahaan gaadhaya shan iyo toban xubnood ayaa waxaa mudo afar bilood ah lagu tababaraayey sidii ay u samayn lahaayen agabyadan. Waxaana Agabkaan ka sameeyeen dhoobo.

Ujeedda Mashruucan ayaa ah kow in haweenka barakacayasha loo hello Qorshe shaqo abuur oo si joogta ay maalin walba dhaqaale uga samayn karaan si u maareeyaan nolasha qoysaskooda.

Ujeedka Labaad ee kala ayaa waxaa uu yahay sidii qoysas barakacayasha ah iyo kuwa aan barakaca ahaynba ay u isticmaali Lahaayen agabkii hore ee soomalida u gaarka ahaa. Kaas oo aan wax dhibaato ah aan u gaysanayn dhinaca deegaanka.
Agaasimaha waaxda maamulka maaliyadda iyo shaqaalaha ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimillada Maxamed Cabdi Cabdullaahi ayaa ka warbixiyey wax uu ka dhigan yahay bandhigan cusub.

Latilyaha Wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka cimiladda Jubbaland Cabdixakiin Kadiye Cali ayaa dadkii ka soo qayb galay munaasabada bandhiga waxaa u iftiimiyey ahmiyada ay leedahay in dadka ay ka faa’iidaystaan khayraadka dalkeena.

Mashruucaan samaynta agabka ah ayaa waxaa wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka cimillada Jubbaland ka taageertay hay’adda GIZ ee iskaashiga dalka Jarmalka.