Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Dhagax-Dhigay Dhismaha Wasaaradaha Amniga iyo Cadaaladda

60

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta Dhagax-Dhigay Dhismaha Wasaaradaha Amniga iyo Cadaaladda.

Munaasabada Dhagax-Dhiga waxaa Madaxweynaha ku Wehlinayey Wasiirka Amniga, Wasiirka Cadaalada, Wasiirka Howlaha guud, Wasiirka Warfaafinta, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Saraakiisha Hay’addaha Amniga.