Wasaaradda Amniga Jubbaland oo ka hadashay duqeymo degmada Jilib lagula eegtay khawaarijta Al-shabaab

481

Wasiirka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo la hadlay Radio Kismayo ayaa ka warbixiyay duqeymo magaalada Jilib lagula eegtay kooxo ka tirsan khawaarijta Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in fulinta howlgalka ay iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, sirdoonka qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah, laguna guuleystay in la bartilmaameedsado guri ku yaal degmadaasi oo ay ku shirayeen horjoogayaal iyo maleeyshiyaadka katirsan kooxda Khawaarijta Al-shabaab.

Waxa uu xusay in ay jiraan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta iyo maleeyshiyaad ku sugnaa goobta bartilmaameedka, isagoo intaa ku daray in ay warbaahinta dib kala soo wadaagi doonaan xogta rasmiga ah ee howlgalka lagu bartilmaameedsaday kooxda Khawaarijta Al-shabaab ee ka dhacay degmada Jilib.

Magaalada jilib oo katirsan gobolka JDhexe ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kamid ah magaalooyinka ay horjoogayaasha kooxda khawaarijta Al-shabaab ku abaabulaan falalka guracan ee ay ku waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed.