Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay degmada Jilib

0
596

Ciidanka Qalabka sida oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, halkaasi oo xarun u ah Khawaarijta Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidanku khasaare xooggan ugu geysteen Khawaarijta kaas oo isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo qalab la burburiyay.