Iibsigga Kalluunka Suuqyadda Kismaayo Oo Hoos Udhac Ku Keenay Iibka Hillibka Geela

539

Hoos Udhac Aad U weyn Ayaa laga Dareemayaa Qiimaha Lakala Siisto Kalluunka Suuqyadda Magaalada Kismaayo kadib Markii Ay Kordheen Kalluunka Laga Soo Jilaabto Xeebaha Magaalada Kismaayo Iyo Dadka Kalluunka Lasoo Baxayo Oo Billihii Lasoo Dhaafay Ay aad Ukordheen Islamarkaana Dhallinyaraddii Ugu Badnayd Xilligaan Ay Noqotay Shaqo abuurka Kaliya Ee ay Haystaan.

Sidoo Kale Hoos Udhaca Kalluunka Ku Yimid Ayaa Saameyn Togan iyo Tabanba Ku Yeeshay Suuqa lagu iibiyo Hilibka Geella Kadib Markii Dadka Ka Ganacsadda Hillibka Geela Ay Xaqiijiyeen Inta la Iibin Jirray Awal Hillibka Geella Aanan Hadda La Iibbin Taasi Oo Ay Sheegeen Inay Sabab Utahay Hoos Udhaca Ku Yimid Kalluunka.

Gudoomiyaha Suuqa kalluunka Kismaayo Maxamed Cusmaan Baande Oo La Hadlay Radio Kismaayo Ayaa laba Sababood Ku sifeeyay Hoos Udhaca Qiimaha Kalluunka Ku Yimid, Xilli Dhanka Kale Uu Arrin Qatar Caafimaad Leh Uu ka Digay Taasi Oo Maalmihii Dambe Aad Ukorodhay.

Baddi Dadka Kismaayo Ayaa Si Maalinle Ah Ugu Shaqo Taggo Xeebta Calanley Halkaas Oo Ay Kasoo Jillaabtaan Kalluunka Kuwaas Oo Marka Dambe Ganacsi Ahaan Ugeeya Suuqa weyn Ee lagu Iibiyo Kalluunka Si Ay Ugu Maareeyaan Noolasha Qoyskooda