Dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay degaannada Somaliland

550

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyeed ayaa ka dhashay kadib Gaari nooca raaxada ah oo ku dhacay tog ku yaalla Magaalada Arabsiya ee degmada Gibileey ee degaannada Somaliland.

Inta la xaqiijiyay shilkaas ayaa waxaa ku dhintay Saddex Ruux oo mid kaid ah meydkiisa la helay halka labada kale weli la boodi goobayo, sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Somaliland.

Dadka ku dhintay Gaariga toga biyo mareenka ah ku dhacay oo dhammaantood rag ah ayaa laba kamid ah Magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Fatxi Cabdi Faarax Sareeye iyo Jimcaale Cali.

Mid kamid ah dadka Magaalada Arabsiya ayaa sheegay in weli baadi goob loogu jiro laba kamid ah dadka ku dhintay toga, isla markaana Bulshada ay walaac ka muujinayaan togagga badan ee kuyaalla degaannada Somaliland.