Somaliland oo War cusub kasoo saartay dagaalka Magaalada Laas-Caanood

374

Taliska Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa ka hadlay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Laas-Caanood ee u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland & kuwa SSC iyo xaaladda goobihii lagu dagaalamay.

Taliyaha qaybta 12aad ee Ciidanka Somaliland Janeraal Faysal Cabdi Bootaan ayaa sheegay in shalay Ciidamadooda ay weerar kusoo qaadeen kuwa Huwanta ah, balse ay tallaabo adag ka qaadeen, isaga sheegay inay heegan ugu jiraan inay is difaacaan.

Taliye Bootaan ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi ku daray in huwanta soo weerartay ay isugu jiraan Ciidamada Puntland, kuwo hab beeleed u abaabulan iyo Kooxo Argagaxiso ah, balse ay ka guuleysteen, isla markaana rag badan ay ka dileen gaadiidna ay ka qabsadeen.

Ugu dambeyn Taliyaha qaybta 12aad ee Ciidanka Somaliland Janeraal Faysal Cabdi Bootaan ayaa sheegay in hadda Ciidamadooda ku sugan yihiin Taliska Gooja-cadde ayna iska difaaci doonaan cid kasta oo soo weerarta.

Muddo ku dhow laba Bilood ayaa waxaa duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ay ku dagaalamayaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee la Magac baxay SSC, waxaana dagaalladaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac