Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Oo Daahfuray shirka Wasaaraddaha Amniga heer Fadaraal iyo heer Dowlad Goboleed

354
Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Daahfuray shirka Wasaaraddaha Amniga heer Fadaraal iyo heer Dowlad Goboleed waxaana qeyb ka ahaa shirka Madaxda Hay’adaha Booliiska heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiru Dowlaha Wasaarada amniga Xukuumadda Fadaraalka Soomaalia, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Wasiirada amniga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Ciidamada Booliiska Heer Dowlad Goboleed.
Shirka ayaana looga hadlayaa hormarinta ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Wadashaqaynta Wasaaraddaha Amniga heer Federaal iyo sidii loo dabooli lahaa baahiyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.