Hawlgal ka dhacay deegaanka Xawaadley oo lagu dilay 49 xubnood oo ka tirsanaa Khawaariijta

530

Inta la xaqiijiyay 49 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoos tagta deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe,howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, Geesiyaasha dadka deegaanka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa lagu beegsaday Khawaarij isku abaabulaysay dhulbeereedka Sheekh Qaasim.

Sida la xaqiijiyey kooxda Khawaarijta ayaa halkaan waxay ku haysteen dhaawacyo badan oo iyaga ka mid ah, kuwaas oo horay ugu soo dhaawacmay dagaalada dalka looga xoraynayey,iyadoo xoggaha la helay muujinayaan in khawaariijtu ku dhamaystireen dhaawacdii ay goobtan ku haysteen.

Howlgalka inta uu socday Khawaarijta waxaa laga soo furtay Gaadiid Dagaal oo ay horay u qaateen kuwaas oo uu ku jiro Gaari uu saaran yahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Hal askari oo ka tirsan ciidanka Qaranka ayaa ku shahiiday inta uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray ilaa iyo saddex kale oo ka tirsan ciidamada qaranka.

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa weli waxay ku raad jooga firxadka Khawaarijta kuwaasi oo qaarkood ku go’doonsan beeraha iyo geedaha hoostooda.