Wasiirka amniga Jubbaland oo ciidanka booliska Somaliya ugu hambalyey sanadguuradii 79-aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay

383

Wasiirka Wasaaradda amniga Jubbaland Yuusuf Xusseen Cusmaan Dhumaal ayaa ciidanka booliska Soomaaliya ugu hambalyey 79 sanno guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay ciidanka Booliska.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa ku dheeraday ahmiyada ay maalintaan u leedahay ciidanka Booliska Soomaliya iyo waliba soo kabashada uu samaynaayo ciidanka Booliska.

Wasiirka amniga Jubbaland Yuusuf Xussen Cusmaan dhumaal ayaa sidoo kale ka hadlay Kaalinta uu ugu jiro booliska Soomaaliya Bulshada iyo waxyaabaha wajiibaadka ee looga baahan yahay booliska.