Kenya Oo Hal Arrin Darteed Ugu Adkeysay Amniga Xadka Ay La Wadaagto Soomaaliya

381

Dowladda Kenya ayaa ciidamo farabadan geeysay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, iyagoona aad u adkeeyay amniga Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaas, sida ay kusoo warrameen dadka deegaanka Gobolka oo sheegay in ciidamo dheeraad la geeyay.

Wargeyska The Star ayaa daabacay in sababta dowladda Kenya ay ciidamada dheeraadka u geysay xadka ay la wadaagto Soomaaliya ay tahay, si ay uga hortagto in dagaalamayaasha Shabaab ay gudaha u galaan dalkaas, ayna ka cabsi qabaan.

Xukuumadda Nairobi ayaa ciidamada farabadan si gaar ah u dhoobtay magaalooyinka Mandheera, Wajeer iyo Gaarisa, waxaana Saraakii u hadlay Kenyaanka ay sheegeen in ammaanka magaalooyinkaas siweyn loo adkeeyay.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaas waxaa ay kusii dareen inay bilaabeen howlgalo amni xaqiijin ah oo ay ku sheegeen inay uga hortegayaan dagaalamayaasha Shabaab ee laga soo saarayo gobolada Soomaaliya inay baxsadaan deegaano kamid ah Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaalamayaasha Al-shabaab kula jirta dagaalo xooggan oo saddex dhinac ah, waxaana Shabaabka inta ay socdeen looga qabsaday  deegaano iyo magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, halkaas oo ay sanno badan ay ku sugnaayeen.