Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Oo Sheegay In ay Soo Dhawdahay Guusha Ay Ka Gaarayaan Maleyshiyaadka Alshabaab

539

Degaano ka tirsan gobolka gobolka Shabeellaha dhexe waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah kooxda Khawaarijta Al-shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka iyo dadka degaanka.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo dardar gelinaya dagaalka lagula jiro Khawaarijta ayaa ku booriyay shacabka gobolka in ay hubka qaataan iskana dhiciyaan maleeshiyada Al-shabaab

“Haddii aad qorax kulul aragtaan, haddii aad dhaxan daran aragtaan, haddaa dhib walba aragtaan, dulqaata intaasba Khawaarijtaa ka sii xun ee hala adkeysta guushu way dhawdahaye”. Ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale, Odayaasha dhaqanka gobolka Shabeellaha dhexe oo ka hadlay dagaalka argagixisada looga xoreynayo gobolkaas ayaa balan qaaday in ay hiil iyoo hooba la garab taagan yihiin ciidamada qaranka iyo dadka is abaabulay ee doonaya in ay iska dul qaadaan nabad-diidka, kuwaas oo dhibaato xooggan ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Odayaasha dhaqan ayaa sheegay in Argagaxisadu dhibaato ku heyso dadka iyo degaanka in leyska dhiciyana muhiimadooda koowaad tahay.

Ciidamada xooga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa argagixisada ka saaray degaanada cadcadeey, Geyfo, Bakajeex, Qoordheere, kuwaas oo muddo shacabka ku dhibaateyn jireen.