Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo daahfuray Kulan sanadeedka Guddiga qaran ee haggida diiwaangelinta madaniga iyo dhacdooyinka muhiimka ah

366

Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa goordhow daahfuray Kulan sanadeedka Guddiga qaran ee haggida diiwaangelinta madaniga iyo dhacdooyinka muhiimka ah.

Kulankaan oo ay ka qayb galayaan dhammaan xubnaha Guddiga qaran ee haggida diiwaangelinta madaniga oo gudoomiye u yahay Wasiirka Arrimaha gudaha,federaalka iyo dib u heshisiinta, Wasiirka Dastuurka iyo Cadaaladda, gudoomiyaha Gobolka Banaadir,Wasiir ku xigeenka caafimaadka ,Agaasimaha Hay’adaha diiwangalinta dadwaynaha Soomaaliyeed ,Agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha, Wasiirada arrimaha gudaha dowlad Goboleedyada, xubno ka socda Saaxiibada Soomaaliya.