Dowladda Soomaaliya oo baaq kasoo saartay dagaal beeleed ka socda Gobolka Galgaduud

409

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay baaq nabadeed u dirtay laba maleeshiyo beelood oo ku dagaalamay deegaanka Laanqaylo oo 8 KM ujirta magaalada Xeraale gobolka galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay odayaasha dhaqanka, waxgaradka deegaanka iyo dowlad goboleedka Galmudug, in ay ka shaqeeyaan joojinta colaadda iyo nabadaynta beelaha wada dega deegaankaas.

“  Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib U Heshisiinta ayadoo ka xun colaadaha soo noq noqday ayaa waxay si gaar ah ugu boorineysaa beelahaas ay dirirtu dhax martay in ay ka dheeraadaan wax kasta oo kala fogeyn kara walaaltinnimada dhexdooda ah, dagaalkana ay joojiyaan isla markaana ay ka shaqeeyaan in colaadda laga gaaro nabad waarta.

Dagaalkii ka dhacay degaanka Laanqaylo oo 8 KM ujirta magaalada Xeraale gobolka galgaduud ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana dhinacyada dagaalamaya ay isku heystaan dhul kuyaalla degaanka ay ku dagaalameen.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa degaano iyo degmooyin kuyaalla Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa kusoo batay Colaad Beeleedyo, xilli degaannada Galmudug ay ka socdaan kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab oo ay wadaan dadka degaannadaas.