Moscow waxay qaadi doontaa tillaabooyin aargoosi ah oo culus haddii Midowga Yurub uu si rasmi ah u soo bandhigo xayiraadaha fiisaha ee muwaadiniinta Ruushka, sida uu sheegay afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov .
Waxa uu sheegay in dowladda Ruushka ay si dhow ila socoto go’aanka Midowga Yurub oo uu sheegay in uu yahay mid la doonayo in lagu fuquuqo muwaadiniinta Ruushka, arrintaa oo uu xusay in ka dowlad ahaan ay uga jawaabi doonaan tallaabooyin ay ka dhalan doonto cawaaqib xun oo ay qaadi doonaan.
Afhayeenku wax faahfaahin ah kama bixin nooca tallaabada ay qaadi doonaan.
Sida uu warbaahinta u sheegay Diplumaasiga sare ee Midowga Yurub Josep Borell Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa isku raacay in la joojiyo heshiiska fududaynta fiisaha ee Midowga Yurub uu la leeyahay Ruushka.
Go’aankan oo aan wali la sharciyeynin ayaa si weyn hoos ugu dhigi doona tirada fiisaha cusub ee ay dalalka Midowga Yurub siiyaan muwaadiniinta Ruushka, waxa ayna ka dhigi doontaa habka lagu helo fiisaha mid dheer oo adag.
Tallaabada ayay Midowga Yurub u arkaan in ay cadaadis saari doonto Ruushka oo duulaan cir iyo dhul ah ku qaaday Ukraine, welina gacanta ku haya magaalooyin ay dhowr ah oo ka tirsan Ukraine.