Madaxweynaha Ukraine oo Wacad ku maray in uu ka aargoosan doono ka dib markii gantaalada Ruushka ay dileen dad badan oo ay caruur ku jirto xilli loo dabaaldagayay madax banaanida Ukraine

590

Volodymyr Zelensky ayaa wacad ku maray inuu ka aargudan doono Ruushka ka dib markii ciidamada Putin ay gantaalo ku soo rideen goob tareenada laga raaco, halkaasi oo ay ku dileen 25 qof oo uu ku jiro wiil 11 jir ah, ayadoo weerarku kusoo beegmay xilli loo dabaaldegayay maalinta xoriyadda Ukraine.

Wiilka yar ayaa la dilay kadib markii uu gantaal ku dhacay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Chaplyne waxaana ku dhintay 24 qof kadib markii gantaallo lagu weeraray xarunta tareennada ee magaalada miyiga isla markaana ay gubeen shan gaari oo tareen ah shalay.

Zelensky oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri : ‘Chaplyne waan la dareemeynaa xanuunka maanta. Ilaa hadda, waxaa jira 25 qof oo dhintay, shan ka mid ah ayaa ku gubtay gaariga, wiil 11 jir ah ayaa dhintay, kadib markii gantaalka Ruushku uu burburiyay gurigiisa.

‘Howlaha raadinta iyo samatabbixinta ee xarunta tareenada waa ay sii socon doonaan. Waxaan kula xisaabtami doonnaa Masuuliyadda wax kasta oo ay sameeyeen, kuwa nagu soo duulayna waannu ka eryan doonnaa dhulkayaga.

Maalinta madax banaanida Ukraine ee shalay oo ku beegan 31 sano kadib markii ay ka go’day Midowgii Soofiyeeti, ayaa sidoo kale la saadaaliyay inay sii kordhayaan weerarada.

Iyadoo inta badan dagaaladu ay hadda ka socdaan bariga iyo koonfurta, Ruushka ayaa si joogta ah ugu garaacaya gantaalada riddada dheer ee magaalooyinka Ukraine, sida ay sheegtay Kyiv.