Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland oo xarigga ka jaray Buundada Wirkooy,

104
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo uu weheliyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa maanta xarigga ka jaray Buundada Wirkooy oo dhawaan dib u habayn ay ku sameesay Dowladda.
Munaasabadda xarig Jarka waxaa qeyb ka ahaa qaar kamid ah golaha wasiirada Jubbaland, Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada, Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka iyo xubno kale oo Dowladda katirsan.
Buundada Wirkoy oo kamida Buundooyinkii ay waxyeelada u gaysteen kooxaha Argagixisada ah ayaa waxaa hirgalinteeda ka shaqeeyay Hay’adaha Amaanka iyo Xukuumadda.