Howlgal dad badan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Muqdisho

537

Ciidamada Booliska qeybta Waliyoow Cadde oo kaashanaya kuwa Jagboontiyada guur guura ayaa xalay howlgallo dad badan lagu qabqabtay ka sameeyay xaafado katirsan degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir, halkaas oo mararka qaar ay ka dhacaan falal Amni darro.

Ciidamada ayaa sameeynayay baaritaano guri guri ah, iyaga oo sidoo kale ku baarayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waxaana dadkii lagu qabtay oo u badnaa dhalinyaro la isugu geeyay halgoob, iyada oo badankood la siidaayay, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay ka codsadeen Shacabka inay sugida Amniga kala Shaqeeyaan.

Howlgalka oo uu hoggaaminayay taliyaha Ciidamada Booliska qeybta Waliyow cadde Mahad Axmed Cilmi ayaa ujeedkiisa lagu sheegay ka hortegida dadka lidiga ku ah Amniga, sda ciyaal weerada iyo Kooxaha Burcadda ah ee dhaca geysta.

Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska qeybta wallow cadde Ismaaq Maxamed Ciise oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in amniga uu wax iska bedelay markii la joojiyay lixda saac habeenimo wixii ka dambeeya Mooto Bajaajta, wuxuuna sheegay in an sidoo kale la arki karin Baabuur  shaqeeynaya oo darawalkiisa uusan wadan leesin ama aqoonsi darawalnimo.

Maalmihii lasoo dhaafay Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa sameeynayay howlgallo kala dean, kuwaas oo badi lagu soo qabtay Kooxo Burcad ah oo dhac geysanayay iyo ciyaal weero dadka dhibaateeynayay.