Israa’iil oo Dib U Bilowday Dhismaha Darbiga Kala Qaybinta Ee Koonfurta Daanta Galbeed

587

Ciidanka Israel ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in ciidamadooda iyo unugyadooda injineerada ay bilaabeen shaqada dhismaha qaybta koonfureed ee Daanta Galbeed ee xayndaabka kala gornaya dhulalka ay xoogga ku haysato

Ciidanka ayaa sheegay in tillaabadan looga gol leeyahay in laga hortago in Falastiiniyiinta ka soo jeeda koonfurta Hebron ay soo galaan Israa’iil, iyaga oo marmarsiiyo ka dhiganaya “ka hortagga hawlgallada argagixisada”.

 

Milateriga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in shaqadu ay mar horeba keentay ” hoos u dhac weyn oo ku yimid tirada Falastiiniyiinta ee sharci-darrada kusoo galaya Israa’iil.”

Waxay tilmaantay in 60 baabuur oo kuwa Dhismaha ah ah iyo saddex guuto ay ku hawlanaayeen sidii ay u dhisi lahaayeen xayndaabka deegaanka saxaraha Yahuudda ee Daanta Galbeed.

Qorshaha ayaa waxaa ka mid ahaa in la qodo god dheer oo ilaa 20 KM ah si looga hortago in dadka iyo gaadiidka ay maraan.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in shan kiiloo mitir oo godka la qoday mar hore, toddoba kilomitir iyo badh kalena la diyaariyey.

Howlgallada Ciidamada Israa’iil ay fuliyaan ayay inta badan kusoo qabqabtaan dadka reer Falanstiin ayagoo ku marmarsiyoonaya “qabashada dadka la raadinayo iyo kuwa looga shakisan yahay kiisaska amniga iyo ka hortagga falalka kharbudaadda ah.”

Tobaneeyo qof ayaa la xiray kuwaas oo qeyb ka ahaa ololaha looga soo horjeedo howlgallada Israa’iil, waxaana la dilay ku dhawaad ​​20 qof oo ay ku jiro wariye Shireen Abu Akleh.

In kasta oo ay shaqadu hadda bilaabatay, haddana ciidamadu waxa ay sheegeen in toddobaadyadii la soo dhaafay ay ciidamadoodu u suurtagashay in ay ka hortagaan in ka badan 200 oo baabuur oo si sharci darro ah ku soo galay Israa’iil.

Waxa ay sheegeen in ay xidheen tobannaan baabuur oo laga soo xaday Israa’iil, iyo sidoo kale dad looga shakisan yahay in ay doonayaan in ay galaan dhulka Israa’iil iyaga oo aan sharci haysan.

“Dhismaha xannibaadda ayaa tusaale cad u ah horumarinta awoodeena. Mashruucan ayaa la aasaasay iyada oo ujeedadu ahayd in la yareeyo tirada sharci-darrada ah ee gudaha Israa’iil. Anagoo ka shaqaynayna xayndaabka, waxaanu ka hortagnaa weerarrada argagixisanimada,” ayuu yidhi madaxa shaqaalaha ee Israa’iil Aviv Kohavi

“Hadafkeenu waa in aysan jiri doonin weeraro argagixisanimo, waxaana sii wadi doonaa howlgalada sidii loogu baahnaa si aan u joojino mowjaddan argagixisanimo oo aan dhamaystirno howlgalka,” ayuu yiri.

Wasiirka Difaaca Israa’iil, kuxigeenkiisa iyo saraakiil ciidan ayaa dhawaan booqday aaggaas ayagoo kormeerayay sida ay u socoto shaqada dhismaha xayndaabka.