Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa Hawlgal Qorshaysan oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab ka sameye degaanka labakuus, Jubbada hoose

517

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa Hawlgal Qorshaysan oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada Al-shabaab ka sameye degaanka labakuus, Jubbada hoose

Degaankan ayey Aragagixisadu ku lahayeen bar kantaroon oo ay lacag baad ah uga qaadan shacabka & gadiidka mara degankan waxana sidoo kale goobta ku taalay meel lagu kaydiyo waxay ugu yeedhan sakawad oo dhaca xooloha shacabka Somaliyeed.

Hawlgalkan ayaa intii u socday waxa lagu dilay 5 dhagar qabe oo uu ka mid yahay Horjoogihii Argagixisada u qaabilsana sanaa dhinaca maaliyada ee degaankan oo magaciisa lagu soo koobay ismaciil halka lagu soo qabtay mid ka mida Argagixisada isla markaana waxa laga soo qaatay hubkii ay isticmaalayeen oo kala ah 4 qori oo nooca Ak47 iyo Hal qori oo BKM ah, Sida uu Warbaahinta Ciidamada Qalabka sida U Xaqiijiyey Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Danab.