
Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Garoowe ayaa saaka mar kale u fadhida dhegaysiga dacwadda ku saabsan dhoofinta dhirta loo yaqaan geed-quwaaxa.
Dhegaysiga dacwadda ayaa socda kadib markii maxkamadda la hor-keenay nin ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta geed-quwaaxa kaas oo u xiran dowladda.
Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale waaran u jartay mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland oo ku eedaysan dhoofinta geed-quwaaxa.
Mas’uuliyiinta ku lug yeeshay barnaamijkaas waxaa kamid ah kuwa hadda xilal ka haya dowladda oo ay ku jiraan xildhibaano inkastoo aan weli tallaabo laga qaadin.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







