Booliska Soomaaliya oo bandow kusoo rogay Muqdisho

49

Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa Bandow Caawa ka bilaabanaya kusoo rogay Magaalada Muqdisho isla markaana ku eg maalinta Isniinta ah xili doorashada JFS lagu wado in maalinta biri ah lagu qabto Magalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed  ayaa sheegay in sababta Bandowga loo soo rogay ay tahay xaqiijinta ammaanka doorashada Madaxweynaha iyo in laga hortaggo in ay dhacaan falal amni daro.

Waxaa uu sheegay in ciidanka booliska heega buuxa la galiyay, islamarkaana ay xiri doonaan dhammaan wadooyinka caasimadda.

Waxaa la diidi doonnaa isku socodka dadka iyo gaadiidka xaafaddaha qaar ee Muqdisho.