Erdogan oo dalbaday in la garab istaago waddamada Yemen, Somalia, Libya, Myanmar, Afghanistan, Falastiin & Syria.Erdogan oo dalbaday in la garab istaago waddamada Yemen, Somalia, Libya, Myanmar, Afghanistan, Falastiin & Syria

495

Madaxweynaha Turkiga Recep Dayyip Erdogan ayaa ku baaqay in la garab istaago waddamada Yemen, Soomaaliya, Liibiya, Mynmar, Afgaanistan, Falastiin iyo Suuriya oo dhibaatooyin Amni iyo xaalado kala duwan wajahaya.

 

Erdogan ayaa sheegay in xaalado dhanka amniga iyo nolosha ay ka taagan yihiin waddamadaan oo u baahan in la garab istaago si loo badbaadiyo malaayiinta ku dhibaateysan sida uu khudbaddiisa ku sheegay Madaxweynaha Turkiga.

 

“Malaayiin qof oo aan waxba galabsan oo ku kala nool Yemen, Somalia, Myanmar, Libya, Afganistan, Falastiin iyo Suuriya ayaa bil kale oo murugo leh ku qaadanaya bisha Ramadaan, Carruur iyo Haween Dad u badan ayaa dhibaatooyin kala duwan wajahaya, waxa ay u baahan yihiin in la garab istaago” ayuu yiri Madaxweynaha Erdogan.
Recep Dayyip Erdogan ayaa dhaliilay kaalinta Beesha Caalamka ee waddamadaan maadaama laga gaabiyay xal u raadinta duruufaha sababay xaaladaha cakiran oo ay la daalaadhacayaan malaayiintaan ruux ku kala dhowr 7daan waddan.

 

 

Turkiga ayaa soo jeediyay in aan indhaha laga laaban dhibaatooyinka taagan ee ka taagan Yemen, Soomaaliya, Liibiya, Mynmar, Afgaanistan, Falastiin iyo Suuriya ee Amniga, cunno la’aanta iyo isbadelka cimilada sababta u noqdeen.