Wasiiradii uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Puntland oo la dhaariyay

654

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka  Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta  Wasiiro, Wasiiro Ku-xigeeno iyo Wasiiru dowlayaal cusub oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland kuwaasi oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada, kula dardaarmay in ay Bulshada ugu adeegaan sida ugu wanaagsan ee ay awoodaan, wuxuuna u rajeeyay in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.

Qaar kamid ah Xubnaha la dhaariyay oo dhankooda hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay si hagar la’aan ah ugu Shaqeyn doonaan Bulshada degaannada Puntland kana soo bixi doonaan waajibaadkooda Shaqo.

Wasiirada, asiiro kuxigeennada iyo asiiru dowlayaasha uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Puntland ayaa xubnihii ku fadhiyay waxaa ay dhawaan kamid noqdeen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.