DF Soomaaliya oo qorsheyneysa in mushaarka loo kordhiyo ciidamada Qaranka

949

Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in ay kordhiso musharaadka iyo garaamka ay qaataan ciidanka qaranka waqtiyada dhow.

Wasiir Bayle ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu ka qeyb-galayay munaasabad lagu abaal marinayay ciidanka Booliska ee ka shaqeynayay doorashooyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho.

β€œWaxaa ballan ah ilaah baa wax weliba og in waxa aad qaadaneysaan wax lagu daro ayaa talada ku jirta, Raashinka in la kordhiyo, Gunnoooyinka oo la kala baddelo lana kordhiyo iyo mushaarka in wax lagu daro haddii alle wax nasiiyo,” ayuu yiri wasiir Beyle.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ciidanka Booliska iyo saraakiishooda inay sii kordhiyaan dadaalkooda, ayna xoojiyaan mas’uuliyadda ka saaran amniga guud ee dalka.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa munaasabadaas ka sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay si wanaagsan u sugayaan ammaanka goobaha lagu qabanayo doorashooyinka dalka.

Taliyaha ayaa xusay in hal askari uu geeriyooday intii ay socdeen doorashooyinkii lagu qabtay magaalada Muqdisho, xilli askarigaas uu isku dayay in uu ka hortago kooxo dhagar-qabayaal ah oo doonayay in ay dhibaateeyaan erago u socotay doorashada qaar ka mid ah xildhibaanada gobollada waqooyi.