UK oo ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ka caawinayso abaaraha

979

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan ka horgagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadminimada Nick Dyer.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ergayga gaarka ah ee Dowladda Ingiriiska kala hadlay sidii gurmad loola gaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu ku saameysay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Nick Dyer u sheegay inay muhiim tahay wax ka qabashada xaaladda Bani’aadannimo ay heysata qoysas farabadan oo ay saameyn ballaaran ku yeelatay abaarta iyo biyo la’aan baahsan ee jirta.

Xukuumaddda Soomaaliya ayaa horey u ballan qaaday inay ka shaqeyn doonto sidii gurmad loola gaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu ku saameeysay Gobolada dalka, waxaana weli socda gurmad la gaarsiinayo qaar kamid ah dadkaas .

Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble la qaatay ergayga gaarka ah ee UK u qaabilsan ka horgagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadminimada Nick Dyer ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiskiisa