Madaxwaynaha Jubbaland oo ka hadlay abaaraha ka jira deegaanadda Jubbaland

1082

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay Abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Jubbaland, kuwaas oo saameeyey dad iyo Duunyaba oo keentay  in ay dhamaadaan xoolo farabadan.

Madaxwaynaha Jubbaland ayaa bulshada faray in la sameeyo roobdoon iyo in Allaah la waydiisto raxmadiisa si abaaraha daba-dheeraaday looga baxo.

“waxaan ku jirnaa xili adag, waxaa jira abaaro, waxaa jira roob yari, waxaa jira daaq la’aan, waxaas oo dhan waxaan ugu bixi karnaa baryadda Illahay” sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaama ayaa sheegay in abaaraha ay ka danbeyso Asbab taasi oo ah  in dhulkii dooxadda ahaa ee lahaa biyo fadhiisadka, hadda uu noqday faraqyo, kanaalo ah oo marka uu roobku da’o  biyaha sida ay u socdaan ay ku darsamaan wabiga ,wabigana uu ku daro badda.

Dhankale madaxweynaha ayaa waxaa uu u sababeeyey daaqyaridda jirta ceelal iyo warro meel kasta laga qoday oo keenay in ay yaraddan xaabkii ay xoolaha cunayeen.

“dhulkii dooxada la dhihi jiray ee lahaa biyo xireenadda maanta malahan oo roob marka uu da’o biyaha roobka, wabiga ayey ku darsamayan ,meel kastana waxaa laga qoday ceelal iyo warro, taasi oo kentay in ay yaraddan daaqsinkii xoolaha” sidaas waxa yiri Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam