Wafdi ka socda Golaha amaanka QM oo gaaray dalka Mali.

760

Wafdigaan ayaa maanta waxa ay magaalada Bomako ee caasimadda Mali kulan la yeelan doona golaha militeriga dalkaasi oo mudo 9bilood dalka maamulayay kadib markii ay afgambiyeen dowladda rayidka ahayd.

Wafdiga oo ay ka mid ahaayeen safiirka Niger u fadhiya Qaramada Midoobay Abdou Abari, dhiggiisa Faransiiska Nicolas de Riviere, iyo safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas Greenfield, ayaa lagu soo dhoweyay Bomako.

Waxa ay Golaha Militeriga ka codsan doonaan in xukunka lagu wareejiyo dowladda rayid ah loona diyaar garoobo doorashada 27ka Febraayo ka dhacaysa wadankaasi .