Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo taageero ka dalbaday Midowga Yurub

790

Hanti-dhowrka Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali ayaa maalintii shalay aheyd Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kulan kula qaatay Wakiillo ka socday Midowga Yurub.

Kulanka dhexmaray Hanti-dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud iyo Wakiilada ka socday Midowga Yurub ayaa inta uu socday waxaa looga wada hadlay dadaallada socda ee ku aaddan dib-u-habaynta maamulka maaraynta Maaliyadda iyo dowlad Wanaagga dalka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday sidii loo dardar-gelin lahaa taageerada farsamo ee Midowga Yurub uu siiyo Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Hanti-dhowrka Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taagerada ay mar kasta la garab taagan yihiin Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka iyo dib-u-habaynta maamulka maaraynta Maaliyadda.