
Hanti-dhowrka Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali ayaa maalintii shalay aheyd Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kulan kula qaatay Wakiillo ka socday Midowga Yurub.
Kulanka dhexmaray Hanti-dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud iyo Wakiilada ka socday Midowga Yurub ayaa inta uu socday waxaa looga wada hadlay dadaallada socda ee ku aaddan dib-u-habaynta maamulka maaraynta Maaliyadda iyo dowlad Wanaagga dalka.
Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday sidii loo dardar-gelin lahaa taageerada farsamo ee Midowga Yurub uu siiyo Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.
Hanti-dhowrka Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taagerada ay mar kasta la garab taagan yihiin Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka iyo dib-u-habaynta maamulka maaraynta Maaliyadda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







