Roobab dabaylo wata oo khasaare ka gaystay Jasiiradaha Degmada Badhaadhe

155

Dadka kaluumaysatada ah ee ku nool Jasiiradda Kudhaa ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa saamayn xoogan ku Yeeshay dabaylaha roobabka watta ee maalmahan ka dhaceeyey Deegaano kala oo Jubbaland ah.

Gudoomiyaha Jasiiradda Kudhaa Kediye Ibraahim Cabdullahi oo la hadlay Radio Kismaayo ayaa sheegay in dabaylaha ka dhacaya xeebaha ay burburiyeen doonyo iyo waliba agab kaluumaysi oo ay lahaayeen kaluumaystada Kudhaa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in hal qof uu badda ku qarqoormay ka dibna uu sidaas ku dhintay.

Sidoo kale dabaylaha waxaa ay istaajiyen doonyihii alaabaha ganacsiga gayn jiray Jasiiradda gobolka Jubbada Hoose taas oo saamayn ku yeelatay nolasha dadka danyarta ah.

Todobadkaan ayaa waxaa xeebaha gobolka Jubbada Hoose ka da’aayey roobab-ka xagaag oo inta badan ka da’a dhulka xeebaha ee dalkeena

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha