Wariye ka tirsan warbaahinta Qaran oo ku dhaawacmay qaraxii maanta ka dhacay degmada xamar weyne ee gobolka banaadir

974

Maxamed ibraahim biibaaye oo ka mid ah wariyaasha warbaahinta qaran ayaa dhaawac fudud ka soo  gaaray Qaraxa ka dhacay Maqaayad ku dhagan suuqa Muqdisho Mall iyo  xarunta Dowlada hoose ee Muqdisho

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Qaraxa oo ahaa Mid si weyn looga maqlay Caasimada Muqdisho.

Sidoo kale Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyadeed,waxaana hadda socda gurmadka loo sameynaayo dadka ay dhibaatadu gaartay